Prof Abdirahman mo’alim Ahmed Ablaal
Ayaa maanta soo booqday xafiiska shirkadda maalgashiga Hobyo (HICO).
Aqoonyahanka ayaa si aad ah u bogaadiyay isku tashiga dadka reer Galmudug, isaga oo ku dhiirageliyay in la dardargeliyo hawsha socota ee dhismaha dekadda Hobyo.
Sidoo kale aqoonyahanka ayaa ballan qaaday in uu ku soo biirayo saamilayda shirkadda HICO, islamarkaana uu ka shaqeyn doono in dhammaan dadka dega Galmudug ay ka wada qayb qaataan dhismaha dekadda Hobyo.