Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha Fadaraalka Somaaliya
Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa maanta soo booqday Xafiiska shirkadda maalgashiga dhismaha dekadda Hobyo (HICO).
Wasiirka waxaa xafiiska ku soo dhaweeyey qaar ka tirsan madaxda shirkadda HICO,
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay garab istaagto bulshada reer Galmudug ee doonaya inay dhistaan dekadda Hobyo.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay in mashruucaani yahay mid aad muhiim ugu ah kobaca dhaqaalaha ee guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna Dowlad goboleedka Galmudug