Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ENG Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku yimid xafiiska shirkadda HICO, Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la qaatay qaar ka tirsan muumulka shirkadda Hico
Mudanaha ayaa ku bogaadiyay madaxda shirkadda HICO horumarka ay ka sameeyeen shaqada ay wadaan ee ah dhismaha dekadda Hobyo.
Sidoo kale mudane Rooble waxa uu sheegay in uu garab taaganyahay dedaalada lagu hormarinayo guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna Magaalada Hobyo.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa balan qaaday qiime lacageed oo uu kaga mid noqonayo maalgeliyaasha dhismaha dekadda Hobyo.