Gudiga ganacsatada ee dhismaha dekadda Hobyo oo maalmahaan howlo shaqo u joogay Wadanka Jabuuti ayaa wadahadalo maalmo qaatay kadib waxay heshiis iskaashi la galeen shirkadda Great Horn Investment Holding oo ah shirkadda maamusho dekadaha, Ayraboorada iyo Wadooyinka wadanka Jabuuti.
Labada Shirkadood ee Hobyo Investment Company iyo Great Horn Investment Holding ayaa ku heshiiyay in ay si wadajir ah u maalgashadaan Dekadda Hobyo sida ugu dhaqsiyaha badana loo bilaabo shaqada dhismaha dekeda.